Madaxweynaha Somaliland oo ka hadley iscasilaada wasiirada

Image

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo goor dhoweyd saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in wasiirada iscasilay ay xaq u leeyihiin, halkoodiina ay cid kale soo geli doonto.

Hadalkan madaxweynaha, ayaa ka danbeeyay shan wasiir iyo saddex wasiir xigeen oo iska casilay maanta xukuumadiisa, kuwaas oo ay ka mid yihiin wasiiradii madaxtooyada, arimaha dibedda, shaqada iyo arimaha bulshada, cadaaladda iyo hawlaha guud. Wasiir ku xigeenaduna waa, wasiir xigeenadii hawlaha guud, dib u dejinta, iyo shaqada iyo Arimaha bulshada.

Wasiirka arimaha dibedda Somaliland, Maxamed Biixi yoonis, wuxuu BBC-du sheegay inay isu casileen wasiiradani, iyadoo buu yidhi madaxweynuhu la saftay murashax gaar ah, halkii uu dhex u noqon lahaa murashaxiinta madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye.

Hadaba, weriyaha BBC ee hargeysa Axmed Saciid Cige, ayaa wareystay madaxweyne Axmed siilaanyo galabta, wuxuu ugu horeyn weydiiyay siduu u arko is casilaadda wasiirada xukuumadiisa.

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA MADAXWEYNE SIILAANYO

Xigasho: BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM