Madaxweynaha Somalia oo la kulmay dhigiisa Talyaaniga

Image

04 September, 2015(GO)-Madaxweynaha dalka Somalia ayaa maanta magaalada Roma kula kulmay dhigiisa Talyaaniga Sergio Mattarella, waxayna ka wada hadleen arimo la xiriira taageerada uu talyaanigu siiyo Somalia iyo sidii loo sii wadi lahaa.

Xasan Sheekh Maxamud madaxweynaha Somalia ayaa ka waramay xaalada dalku haatan marayo waxaana uu tilmaamey inay hormar ka sameyeen  Siyaasadda Amniga iyo dhaqaalaha.

Arimaha dhalinyarada qoxootiga ku ah dalkaasi ayuu madaxweynaha Somalia soo jeediyay inay u sameeyaan xirfado ay ku shaqaystaan maadama ay ku jiraan dhibaatooyin xoog leh.

Dhinaca kale madaxweynaha dalka Talyaaniga Sergio Mattarella ayaa tilmaamey inay sii wadi doonaan taagerada ay siiyaan Somalia waxaana uu xusay in Somalia ay ku socoto wadada hormarka.

Waxa uu soo dhaweeyay Mattarella hadalka madaxweynaha Somalia ee ku aadan maalgashi  lagu sameeyo dalka Somalia  oo tilmaamey inu ka gali doonaan safka hore.

Kulanka labada madaxweyne ayaa imaanaya xilli dalkaasi uu ka socdo bandhig caalami ah oo qeyb ka mid ahi looga hadlay maalgashiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM