​Madaxweynaha Sudan oo wadnaha laga qalay

Image

Madaxweynaha Sudan, Cumar Al-Bashiir, ayaa wadnaha lagaga qalay cusbitaalka wayn ee caasimadda Khartoum.

Hadal kooban oo wakaaladda wararka SUNA baahisay ayaa lagu sheegay in madaxweynaha oo 73 jir ah loo sameeyey qalliin fudud oo xidid kuwa wadnaha ah xinjir lagaga saarayey fiidnimadii Arabacada, qalliin kaas oo lagu sheegay mid fudud oo lagu daweeyo xididada wadnaha ee xidhma.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in isla markiiba madaxweynuhu waajibaadkiisii shaqo ku noqday markii qalliinka loo sameeyey.

Sarkaal dowladda ka tirsan oo ay wakaaladda wararka Reuters la hadashay ayaa sheegay in qalliinku ahaa mid fudud waxaanu intaa ku daray "madaxweynuhu judhiiba wuu ka baxay cusbitaalka".

Bashir wuxu xukunka ku qabsaday af-gembi sannadkii 1989, ilaa haatanna sidii buu hogaanka u hayaa. Waxa lagu eedeeyaa inuu cabudhiyo mucaaradka iyo warbaahinta arrintaas oo mudaharaaddo aan sidaa u waynayni ka dhasheen sannadihii u dambeeyay.

Al-Bashir waxa sidoo kale maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC) ay ku eedaysay falal xasuusqa ah, dambiyo dagaal iyo kuwo laga galay aadamenimada, eedahaas oo dhamaantood uu wada beeniyey isaguna.

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM