​Madaxweynaha Turkiga oo booqasho ku yimid Africa

Image

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Booqasho afar maalmood ah uga billaatay inuu ku maro dalal ku yaalla qaaradda Africa, halkaasoo waddankaas muddooyinkii dambe kor u qaadayay xiriirka uu la leeyahay.

Erdogan ayaa waxuu lugta hore ee Booqashadiisa Africa ku tagey dalka Tanzania, oo ay uga sii gudbi doonaan waddamada Mozambique iyo Madagascar.

Ganacsato waaweyn oo u dhashay dalka Turkiga ayaa kamid ah Wafdiga Recep Tayyip Erdogan ee booqanayo Tanzania, Mozambique iyo Madagascar.

Ujeedka safarka Erdogan ayaa la xiriirta xoojinta xiriirka Ganacsiga ee Turkiga uu la wadaago Africa.

Sidoo kale, Madaxweyne Erdogan waxa uu kala hadli doonaa Madaxda saddexdaas dal sidii loo xiri lahaa Iskuullo ay maamulaan Hay'ado uu leeyahay Wadaadka la doondoonayo ee Fethullah Gulen.

Fethullah Gulen oo ku nool Mareykanka, ayaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay Afgenbigii fashilay ee July, 2016 ka dhacay dalka Turkiga, waxaana markaasi wixii ka dambeeyay la xiray Iskuulada iyo Xaruumaha kale ee xiriirka la leh wadaadkaasi.

Turkiga ayaa 20-kii sano ee lasoo dhaafay sare u qaaday xiriirka Ganacsi iyo midka Amniga ee Africa, waxaana uu ka furtay dalal badan oo Somalia ay ku jirto Safaarado danahiisa uga shaqeeyo.

Somalia, waxa uu Turkiga ka furtay Safaaraddii ugu waynayd Africa iyo saldhig Military, iyadoo dhinac kalena dowladda Somalia ka caawiyo arrimaha dhaqaalaha, oo lacag deeq ah siiya sanad kasta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM

Senate-ka Mareykanka Oo Diiday Xeer Lagu Xaddiday Awoodda Trump ee Dagaalka Iran

Hoggaamiyaha Dimuqraaddiga ee Senate-ka Chuck Schumer ayaa ka hor codeynta sheegay in aysan caddayn ujeeddooyinka dagaalka.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 10:52AM