Madaxweynaha Turkiga oo ka digay nacaybka Muslimiinta

Image

19 November, 2015(GO)-Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in weeraradii Paris ay dhiiri gelinayaan naceybka ka dhanka ah muslimiinta iyo qaxootiga ku sugan, waxaana uu hogaamiyayaasha ugu baaqay inay adeegsadaan dareen guud.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee AP, Recep Tayyip Erdogan ayaa khamiista sheegay inay jiraan weeraro ka dhan ah muslimiinta iyo mowqif adag oo laga qaadanayo qaxootiga, kadib weeraradii Paris.

Waxa uu sheegay in ficilladan cusub ay sii qota dheereynayaan un musiibadii horey u jirtay.

“Haddii aynaan ka hortagin weerarada isir naceybka ku saleysan iyo dhaqdhaqaaqyada waalida ah, qatar iyo musiibo cusub waa lama huraan, isir naceybka iyo caddaawadda ka dhanka ah muslimiinta waa qatarta ugu xooggan” ayuu yiri Erdogan.

Hoggaamiyaha Turkiga waxa uu sheegay in muslim ahaan uu cambaareynayo weeraradii Paris ee ay fulisay kooxda Daacish, waxaana uu ugu baaqay muslimiinta kale inay cambaareeyaan.

Xigasho: VOA

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM