​Madaxweynaha Uganda oo la caleema saaray

Image
Image
Image
Image
Image
Image

KAMPALA- Madaxweynaha waddanka Uganda Yoweri Museveni, ayaa maanta lagu caleema saaray magaalada caasimadda ah ee Kampala, kadib markii  uu ku guulaystay doorashadii ka dhacday dalkaasi bishii April ee sannadkan.

Caleema saarka Museveni, ayaa lagu casuumay madax kasocota dalalka Afrika, waxaana kamid ah hogaamiyaashii tagay munaasabaddaasi; Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud, Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, madaxweynaha Tanzania John Magufuli, madaxweynaha Koonfurta Sudan, Salva Kiir, madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe, madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma iyo Madaxweynaha Niger Maxamed Mahamadou Issa Yofouf.

Boqolaal katirsan dadka reer Uganda ayaa isugu yimi garoonka kubadda cagta Kampala, waxaan goob fagaare ah lagu dhaariyay hogaamiyaha dalkaasi mudada dheer xukumayay ee Museveni.

Khudbad dheer uu jeediyay ayuu ku sheegay inuu muhiimadda siinayo amniga iyo hormarinta waddanka, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan xukuumadda cusub.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM