Madaxweynaha Ukraine oo isbitaal la dhigay markii laga helay Covid—19

Image

Kyiv, Ukraine – Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa la dhigay isbitaal kadib markii todobaadkan laga helay safmareenka Coronavirus, sidda ay Khamiista maanta ah ku dhawaaqdey Madaxtooyadda wadankaas.

"Kalkii hore wuxuu aaday guriga balse wuxuu go’aansaday in uu u dhaqaaqo isbitaalka. Si uu u galo karantiil ee maahan in uu dad kale qaadsiiyo," sidaas waxaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay afhayeenkiisa.

Afhayeenka oo ka warbixineysa xaalka madaxweynaha ayaa ku daray: "Xaalada bukaanada way wanaagsan tahay. Ma jirto khatar balaaran".

Zelenskyy ayaa Isniintii wuxuu sheegay in laga helay Covid-19. Mas'uuliyiin ay kamid yihiin Wasiirada Maaliyada iyo Difaaca si lamid ah Lataliyaha sare ee Zelenskyy ayaa si lamid ah la wariyey in ay qaadeen cudurka.

Kiisaska fayruska ee gudaha Ukraine ayaa bilaabay in ay kordhaan dabayaqada bishii September, waxaana wali ay yihiin kuwa sii badanaya.

Dowladda ayaa ku qasbanaatay in ay xayiraadaha loosoo rogay fayruskan awadiisa in ay sii kordhiso isla markaana gaarsiiso illaa dhamaadka 2020.

Arbacadii, golaha wasiirada Zelenskyy ayaa meelmariyey in dhamaadka todobaadkii lasoo rogo bandow heer qaran ah si loo baajiyo faafitaan horleh oo uu caabuqa sameeyo, arrintaas oo saameyn xoogan yeelaneysa.

Illaa haatan, Ukraine ayaa diiwaan-gelisay kiisas gaaraya 500,865, iyadoo dhimashada ay sii mareyso 9,145, sidda ay muujineyso xog-uruurinta ay sameysay Wasaaradda Caafimaadka oo ku talisay af-saab iyo kala fogaanshiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM