Madaxweynaha Yemen oo baaq nabadeed u direy Xuuthiyiinta

Image

March 22, 2015 (GO)- Madaxweynaha Yemen Abd-Rabbu Mansour Hadi ayaa ugu baaqay mileeshiyaadka Xuuthiyiinta inay isaga baxaan xarumaha dowladda dibna u celiyaan hubka ay ka boobeen xerooyinka ciidamada.

Abd-Rabbu oo khudbadiisii ugu horreysey jeediyey laga soo bilaabo markii uu isagoo baxsad ah tegey magaalada Cadan, wuxuu ku boorriyey madaxda kooxda Xuuthiga inay miiska wada xaajoodka soo fariistaan.

Ciidamada qalabka sida wuxuu iyagana kula dardaarmey inay dhex dhexaad ka noqdaan khilaafka siyaasadeed ee jira xilna iska saaraan sidii ay u xakameyn lahaayeen xaaladda oo haddii ay faraha ka baxdo dhibaato dhaqaale iyo mid bini aadamnimo oo ba'an horseedi doonta.

Madaxweynaha Yemen ayaa sheegay in habka keliya in dhibaatada dalkaas ka jirta xalka looga gaari karaa ay tahay in lasii dardar geliyo wada xaajoodyada siyaasadeed ee dalalka Khaliijku hormuudka ka yihiin.

Labo maalmood kahor ayey ahayd markii ku dhowaad boqol iyo konton qof ku dhinteen in ka badan saddex boqol oo kalena ku dhaawacmeen qaraxyo ismiidaamin ahaa oo lala beegsadey labo masjid oo dadka Shiicada ahi ku cibaadeystaan oo magaalada Sanca ku yaal. Mas'uuliyadda qaraxyadaas waxaa sheegatey kooxda Daacish ee fadhigeedu yahay dalka Ciraaq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM