Madaxweynaha Yemen oo ka laabtey go'aankii uu isku casiley

Image

February 24, 2015 (GO)- Madaxweynaha dalka Yemen ayaa ka laabtay go'aankii uu horay u qaatey ee ahaa inuu iska casiley xilka madaxweynenimada.

Abd-Rabbu Mansour Hadi oo shalay magaalada Cadan kula kulmey qaar kamid ah guddoomiyeyaasha gobollada iyo hoggaamiyeyaasha axsaabta siyaasiga ah wuxuu sheegay in uu ka tanaasuley go'aankii uu qaatey bil kahor January 22, 2015.

Tallaabadan iyada ah wuxuu u sababeeyey maadaama golaha barlamanka -oo sida sharciga dalkaasi dhigayo- ay ahayd inay istiqaaladiisa go'aan ka gaaraan u suurto geli weydey inay kulmaan, kaddib markii mileeshiyaadka xuuthigu xildhibaannada barlamanka kala direen una diideen inay kulankoodii caadiga ahaa yeeshaan.

Markii uu warkani soo baxay, waxaa qaar kamid ah magaalooyinka waaweyn isugu soo baxay kumannaan kamid ah taageereyaasha Abd-Rabbu.

Madaxweynaha Yemen ayaa is casilaadiisa u sababeeyey in uu ku guul dareystey gudashada waajibaadkii qaran ee loo dhiibey, maadaama ay jiraan dhinacyo caqabad ku noqdey in dowladu horumar sameyso kana dhabeyso ballan-qaadyadii ay sameysey. 

Dalka Yemen oo ay ku nool yihiin 25milyan oo qof kana mid ah dalalka ugu saboolsan Jaziirada Carabta, wuxuu ku jirey xaalad degenaansho la'aan ah  laga soo bilaabo sanadkii 2012 markaasoo kacdoon dadweyne xukunka looga tuuray madaxweynihii hore Cali Cabdallah Saalax. 

Qaybo kamid ah dalka waxaa ka arimiya xilligan mileeshiyaad xagjir ah oo ka tirsal al-Qaacida, halka qaybo kale oo badanna gacanta ku hayso kooxda Xuuthiga oo iyadu ah koox Shiico ah taasoo la rumeysan yahay inay taageero dhaqaale iyo mid militeriba ka hesho dalka Iran. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM