Madaxweyne ka codsaday beeraleyda dalkiisa in ay baajiyaan Soonka

Image

DUSHANBE, Tajik – Madaxweynaha dalka Tajik, Emomali Rakhmon, ayaa beeraleyda waddankiisa ka codsaday in dib u dhigaan oogitaanka bisha Ramadaan "si uusan isku dhimin caafimaadkooda iyo wax soo saarkooda".

Dalabkiisa ayuu si toos ah ula xiriiriyey cabsidda saameynta safmareenka Coronavirus ee faraha kulul ku haya guud ahaan caalamka.

Muslimiinta ku nool dunida ayaa rajeynaya in maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadan ay u bilaabato Jimcadda.

Tajikistan ayaa nan laga soo warin kiis ku aadan Covid-19, balse waxay xirtay xuduudaheeda si looga hortago faafitaanka. Meelaha albaabada loo laabey waxaa kamid ah Masaajiada.

Isagoo la hadlayey dadweynaha Muslimiinta oo u badan shacabka Tajik, Rakhmon ayaa yiri "si loo xaqiijiyo caafimaadka dadweynaha iyo helitaanka raashiin ku filan, waxa ay yihiin sababo loo baajin karo Soonka".

"Waxaan ka codsanayaa qof walba oo ka shaqeeya beeraha, magaca caafimaadkiisa iyo kan qoysaskooda, isagoo hubinaya daryeelka guriyahooda, in ay isticmaalaan xasaanadan ayna dib u dhigaan soonka illaa waqti ku habboon," ayuu ku daray.

Xukuumadda Dushanbe oo caawimaad waydiisatay Hay'adda Lacagta Aduunka iyo Deeq-bixiyeyaasha caalamka ayaa dhaqaalaheeda wuxuu ku tiirsan yahay wax-soo-saarka gaar ahaan qamadiga oo aad looga beero dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM