Madaxweyne Kabila oo magacaabay Ra'isal wasaare

Image

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqaraadiga ee Kongo, Joseph Kabila, ayaa magacaabay Ra'isal wasaaraha dalkaas.

Wuxuu booskan u magacaabay Bruno Tshibala inuu noqdo Ra'isal wasaaraha dowladda awood wadaagga ah.

Mr Tshibala ayaa dalka hogaamin doona ilaa iyo inta laga qabanayo doorashada madaxweynaha, dabayaaqada sannadkan.

Joseph Kabila, ayaa magacaabistan sameeyay Jimcihii, wuxuuna ninka badalayaa Samy Badibanga, kaasoo xafiiska iska casilay Khamiistii hore.

Tshibala, wuxuu waqti dheer katirsan xisbiga (UDPS) isagoo kasoo noqday ku-xigeen Xoghaya guud, kahor intan laga saarin xisbiga bil ka hor ka dib markii uu u tartamay inuu noqdo qofki beddeli lahaa hogaamiyihii ruugcadaaga ahaa, Etienne Tshisekedi, oo dhintay bishii Febraayo.

Waxaa loo arkaa Tshibala in magacaabistiisu sii kala fogaynayso kala qaybsanaanta mucaaradka Mr Kabila, ka dib markii uu burburay wadaxaajood ku saabsanaa sidii uu awoodda u wareejin lahaa todobaadkii hore.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM