​Madaxweynihii hore Chad oo la xukumay

Image

Maxkamad ku taalla waddanka Senegal, ayaa soo gaba gabaysay eedihii loo haystay madaxweynihii hore dalka Chad Hissene Habre, kaasoo lagu soo oogay eedo la xiriira tacaddiyo bini aadanimo oo uu gaystay waqtigii uu dalkaas xukumayay.

Habre, ayaa lagu xukumay xabsi daa'im, waxaana maxkamaddu caddaysay inay runyihiin dhammaan waxyaabaha loo haysto.

Hogaamiyihii hore Chad, ayaa lagu soo eedeeyay inuu dil, xarig iyo jirdil u gaystay dad tiradoodu gaarayso 40, 000 qof, mudadii uu dalkaasi ka talinayay 1982 ilaa 1990.

Hissene Habre, ayaan ku qancin go'aanka maxkamadda, wuxuuna gabi ahaanba diidanaa sharciyadda maxkamaddaasi u marayso xukunkiisa, balse wuxuu haystaa 15 cisho oo uu racfaan ku qaadan karo.

Qaadista kiiskan waxaa iska kaashaday xukuumadda Dakar iyo Midowga Africa, waxayna noqonaysaa markii ugu horaysay oo hogaamiye Afrikan ah lagu maxkamadeeyo dal kale oo Afrika ah.

Ninkan la maxkamadeeyay, ayaa la qabtay sannadkii 2013 isagoo qaab magangalyo ah ku joogay dalka Senegal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM