Madaxweynihii hore ee Barazil oo la xiray

Image

Booliska dalka Brazil waxa ay xireen madaxweynihii hore ee dalkaasi, Luiz Inacio Lula da Silva, taas oo qeyb ka ah baaritaan musuqmaasuq.

Dhowr gooboob oo asiga lala xiriirinaayay oo gurigiisa iyo Machadla Lula ay kamid yihiin, ayey booliska baareen. 

Baaritaannada waxa ay ku wajahan yihiin shirkad shidaal oo dowladda ay maamusho oo lagu magacaabo Petrobras.

Lula waxaa su’aalo laga weydiin doonaan eedaha ku saabsan inuu faa’iido ka helay laaluush uu ku qaatay nidaamka shirkadda. 

Saacado ka hor howlgalka, Machadka Lula waxa laga soo saaray war lagu sheegay in madaxweynihii hore uu diiday inuu wax qalad ah sameeyay. 

Lula da Silva waxa uu Brazil madaxweyne ka ahaa intii u dhexeysay 2003dii illaa 2011kii. 

Haweeneyda asiga badashay ee Dilma Rousseff, waxa ay ahaan jirtay madixii shaqaalaha ee maamulkiisa.

Xiigasho: BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM