Madaxweynihii hore ee dalka Sudan oo geeriyoodey

Image

RIYADH, Sacuudiga - Madaxweynihii hore ee dalka Sudan, Cabdiraxmaan Suwar Al-Dahab ayaa kuu geeriyoodey caasimadda Sacuudiga, ee Riyadh shalay oo Khamiis ahayd, isagoo 84 jir ah.

Wakaaladda Wararka Sudan, ee KUNA ayaa xaqiijisay in Al-Dahab uu ku dhintay Isbitaal Militeri oo ku yaalla Riyadh, halkaasi oo loo dhigay xanuun soo wajahay.

KUNA ma aysan sheegin cudurka haleeyay Madaxweynihii hore ee Sudan, oo sababay dhimashadiisa, inkastoo waqtigiisa uu dhamaaday, oo tiisan gashay.

Al-Dahab, ayaa Sudan Madaxweyne kasoo ahaa intii u dhaxeysay 1985 illaa 1986, isagoo dalka ku qabsaday afgembi military, oo xukunka uu ka tuurey Jaafar Nimeiri.

Madaxweynaha hadda haya talada Sudan, Jeneraal Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa mudo 30 sano ah kursiga ku fadhiya, isagoo kamid ah madaxda Africa mudada ugu dheer xukunka haya.

Maxkamadda Dembiyadda Caalamiga ee ICC ayaa 2009 soo saartey warqad lagu soo xirayo Al-Bashiir, kadib markii lagu eedeeyay inuu galay dembiyo ka dhan ah bini'aadanimada iyo kuwa dagaal.

Dalka Sudan oo ah midka ugu ballaaran dhul ahaan Africa ayaa la dagay sabooltinimo, sicir barar, hoos u dhac dhaqaale iyo qiimo dhac ku yimid lacagta dalka, kadib markii Mareykanka uu saarey cunaqabateyn.

Al-Bashiir ayaa balan qaadey inuu xukunka isaga degayo marka la gaaro 2020, islamarkaana qaban doono doorasho, iyadoo taasi shacabkiisa shaki ka muujiyeen.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Trump oo Hanjabaad Culus u Diray Iran xilli ay diiday Wadahadalka Pakistan

Mohammed Bagher Qalibaf, oo ah madaxa gorgortanka Iran, ayaa si cad u diiday hanjabaadda Trump, isagoo barta X ku qoray...

  • Caalamka

    21-04-2026

  • 02:35PM

Mareykanka oo xiray haweeney hubka Iran sameysay geyn jirtay Sudan

Dacwad-ogogayaasha ayaa tilmaamay in hubka ay ku lug lahayd uu ka koobnaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mohajer-6.

  • Caalamka

    21-04-2026

  • 02:22PM