Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy oo la xiray

Image

PARIS - Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa loo sii qaaday saldhig booliis si su'aalo looga waydiiyo eedaymo sheegaya in uu dhaqaale uu ku ol'olaystay ka qaatay madaxweynihii hore ee Liibiya Mucammar Qaddafi.

Booliisku waxay baarayaan nidaam darro ka jirtay dhaqaalihii uu madaxweynenimada ugu ol'olaystay sannadkii 2007dii.

Booliiska ayaa horay su'aalo u waydiiyay. Alexandre Djouhri oo kaaliye u ahaana dhawaan ayaa lagu xiray magaalada London.

Sarkozy ayaa ka fariistay Siyaasadda kadib markii uu ku guuldarraystay in uu awoodda ku soo laabto sannadkii 2012kii, oo dorashadii xillgaasi dhacday uga adkaaday Francois Hollande oo noqday Madaxweyne ilaa 2017.

Ilo waaxda caddaaladda ka tirsan ayaa sheegay in su'aalo lagu waydiiyay deegaanka Nanterre, oo ka tirsan magaalada Paris.

Sannadkii 2013kii Faransiiska ayaa billaabay baaritaan ka dhan ah eedaymo sheegaya in ol'olihiisa doorashada loo adeegsaday dhaqaale sharcidarro ah oo laga helay Qaddaafi. Laakiin Sarkozy wuu diiday in uu wax khalad ah sameeyay.

Ilo ayaa sheegay in booliisku ay su'aalo waydiiyeen Brice Hortefeux oo isna ka tirsanaa golihii wasiirrada ee xiligii Sarkozy, arrintaasina waxay dhacday isla Talaadadan.

Eedaymahan ayaa ka imanaya Ziad Takieddine oo ah ganacsade Lubnaaniis ah oo haysta dhalashada Faransiiska iyo qaar ka mid ah masuuliyiintii hore dawladdii Gaddafi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM