Madaxweynihii hore ee Gambia oo loo diiday inuu galo Mareykanka

Image

BANJUL, GAMBIA - Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegtay in madaxweynihii hore ee dalka Gambia Yahya Jammeh iyo xubno ka tirsan qoyskiisa loo diiday inay galaan Maraykanka.

Go'aanka ayaa yimid kadib laba sano markii Jammeh lagu qasbay in u cararo Equatorial Guinea kadib markii looga adkaadey doorashadii madaxweynaha Gambia, taasoo uu diiday inuu aqbalo natiijadeeda.

Jammeh aya soo xukumay dalkan ku yaalla galbeedka afrika muddo 20 sano ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa sheegaysa in Jammeh uu ku eedeysan yahay "musuqmaasuq iyo xadgudub dhanka xuquuqda aadanaha ah" mudadii uu xukunka Gambia hayay.

Jammeh, xaaskiisa Zineb, gabadhiisa Mariam iyo wiilkiisa Muhammad ayaa loo diiday inay Mareykanka galeen, si halkaasi ay ugu noolaadaan, maadama aysan dalkoodii hooyo kasoo carareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM