Mahathir Mohamad oo markale loo doortay Ra'iisul Wasaaraha Malaysia

Image

Kuala Lumpur - Ra'iisul wasaarihii hore ee Malaysia Mahathir Mohamad ayaa guul taariikhi ah ka gaaray doorashooyinka guud ee dalkaas. Sida ay muujinayaan natiijaooyinka rasmiga ah.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in isbahaysiga mucaaradka ah ee Mr Mahathir ay ku guulaysteen kuraas gaaraysa 115 kursi, taas kor u dhaafaysa kuraastii loo baahnaa in dawlad lagu soo dhiso.

Mr Mahathir, oo 92 jir ah, waxa uu ka adkaaday isbahaysa talada dalkaas haya ee lagu magacaabo Barisan Nasional coalition, kaas oo xukunka hayey in kabadan 60 sano.

Hawlgabnimadiisii ayuu kasoo laabtay si uu ula tartamo, ardaygiisii dhanka siyaasadda, ee Najib Razak. Mahathir Mohamad ayaa soo qabtey xilkan intii u dhaxaysay 1981 illaa 2003, isagoo noqday Ra'iisul Wasaarihii mudada ugu dheer soo mara dalkaasi.

"Ma doonayno aargudasho, waxaan doonaynaa in aan dib usoo celino sharciga iyo kala dambaynta" Mr Mahathir ayaa sidaas war fidiyeenada u sheegay.

Wuxuu carabaabay rajada uu ka qabo in xafiiska loo dhaariyo maalinta khamiista ah ee foodda inakusoo haysa. Dadka dhaliila doorashada ayaa walaac ka muujiyey in doorashadu ay ahayd mid xor ah oo caddaalad ah.

Asagoo goor sii horraysay warfidiyeenada kula hadlayey magaalada Kuala Lumpur, Mr Mahathir ayaa sheegay in uu ku qanacsan yahay in isbahaysiga mucaaradka oo lagu magacaabo Pakatan Harapan ay gaaraan guul la taaban karo, asagoo intaas kudaray in sinnaba aysan usoo gaari Karin isbahaysiga talada haya ee lagu magacaabo BN.

Xisbiga BN ayaa hoggaanka u hayey siyaasadda dalka Malaysia tan iyo markii dalkaasi uu madaxbaanida ka qaatay Britain sanadkii 1957, balse isbahaysigaan oo bari xoog badnaan jiray ayaa sumcadiisu hoos u dhacday sanadihii u dambeeyey.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM