Maraykanka iyo Turkey oo tababar siinaya mucaaradka Syria

Image

February 18, 2015 (GO)- Dowladaha Maraykanka iyo Turkey ayaa kala saxiixdey heshiis ku aaddan taakuleynta dalka Syria.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in qodobada heshiiskaasi dhigayo ugu muhiimsan tahay sidii taageero xooggan loo siin lahaa jamhadaha mucaaradka ee dagaalka kula jira xukuumadda Bashar Al-asad.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu xusey in jamhadaha mucaaradka ee taageerada loo fidinayaa yihiin kuwa markaas loo arko inay dhex-dhexaadka yihiin.

Dowladda Turkey ayaa horey u sheegtay inaysan si toos ah qayb uga noqon doonin dagaalka ka soconaya dalka Syria balse ay diyaar u tahay dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaanba inay uga qayb qaadato.

Walaaca ugu weyn ee xukuumadda Ankara qabto ayaa ah in coladda Syria ka aloosani usoo gudubto Turkiga oo xuduud dheer la wadaaga Syria.

Waxaa sidoo kale Turkigu aad uga cabsi qabaa khatarta marba marka ka dambeysa sii xoogeysaneysa ee uga imaan karta dhanka kooxda xagjirka ah ee Daacish (IS), kooxdaasoo xilligan gacanta ku haysa dhul baaxad leh oo ka tirsan xuduudka u dhexeeya Iraq iyo Syria.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM