​Maraykanka oo ciidamo gaashaama u diray dalka Poland

Image

WASHINGTON, USA- Madaxweynaha dhawaan xafiiska bannayn doona ee Obama, ayaa ciidamo gaaraya 3 Kun oo Askari u diray waddanka Poland kuwaasoo qayb ka noqon doona ciidammada NATO ee ilaalinaya soohdimada Bar ee gaashaan-buurtaasi.

Ciidamadan, waxaa sidoo kale weheliya 80 taangi iyo boqolaal gawaarida gaashaaman oo qeyb ka ah howlgalkan.

Dadka la socda arrimaha labada waddanka ayaa qorshahan ku tilmaamay kii ugu ballaarnaa ee uu Maraykanku sameeyo tan iyo dhammaadkii dagaalkii qaboobaa ee dunida.

Qorshahan, ayaa lagu macneeyay inuu yahay mid Maraykanku ku doonayo sidii uu cadayn lahaa inuu NATO tuso sida uu diyaarka ugu yahay islamarkaana ugala shaqaynayo qaabkii looga hortagi lahaa wuxuu ugu yeeray dandaansiga qaawan.

Daabullida ciidankaasi ayaa dhacaysa maalmo ka hor dhaarinta madaxweynaha la doortay Donald Trump, kaasoo tilmaamay in uu doonayo wanaajinta xiriirka Maraykanka iyo Ruushka.

Jenaraal James Mattis, oo ah ninka uu Trump u magacaabay xoghayaha difaaca, ayaa la filayaa in maanta uu golaha Senate hor yimaado, waxaana ay u badan tahay in wax laga weydiiyo siyaasaddiisa ku aaddan Ruushka.

Tallaabadan, ayaa kusoo aadaysa xilli dadka u dhuun daloola siyaasadda labada waddan ee Ruushka iyo Maraykan ay sheegayeen inuu xiriirkoodu wanaagsanaan karo maadama Trump lagu xanto inuu xiriir wanaagsan la leeyahay xukuumadda Moscow.

GAROWEONLINE+WAKAALADAHA

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM