Maraykanka oo Iran uga digey inay taageero siiso Xuuthiyiinta

Image

April 9, 2015 (GO)- Dowladda Maraykanka ayaa uga digtey Iran inay faragelin ku samayso xaaladda dalka Yemen islamarkaana taageero militeri u fidiso mileeshiyada Xuuthiyiinta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka John Kerry ayaa sheegay in Maraykanku si deg deg ah uga jawaabi doono tallaabo kasta oo Iran qaado taasoo loo arko inay wax u dhimeyso ammaanka Bariga Dhexe.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Maraykanku kaalmo u fidin doono wadan kasta oo ku yaalla Bariga Dhexe kaasoo cabsi ka qaba dhibaato uga timaada dhanka Iran.

Hadalka John Kerry ayaa kusoo aadaya maalin kadib markii dowladda Iran sheegtay inay maraakiib dagaal usoo direyso Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Iran oo kasoo horjeedda duqeymaha Sucuudiga iyo xulafadiisu ka wadaan dalka Yemen ayaa la rumeysan yahay inay taageero dhaqaale iyo mid militeriba siiso kooxda shiicada ah ee Xuuthiga.

Arintan ayaa dadka siyaasadda bariga dhexe ka faalloodaa waxay aaminsan yihiin inay wax u dhimi doonto wadahadalladii dhanka nukliyeerka ee u socdey Iran iyo lixda dowladood ee dunida ugu awoodda weyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Anas al-Shariif iyo shan wariyeyaal Al Jazeera ah oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil

Al-Shariif, oo 28 jir ahaa, ayaa muddo dheer ka soo waramayey waqooyiga…

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 10:17PM

Masar iyo Turkiga oo Cambaareeyay Qorshaha Israa’iil ee Qabsashada Magaalada Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si la mid ah uga hadlay arrintan, isagoo yiri, “Waa in si daahfuran looga hadlaa.

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 05:40AM