Maraykanka oo ka digay weerarada Burcad-badeeda Soomaalida

Image

MUQDISHU, Somalia- Dowladda Mareykanka ayaa ka digaysa  in kooxaha burcad badeedka ay ku soo laabtaan biyaha ka baxsan xeebaha Soomaaliya, xilli muddooyinkii dambe ay jireen weeraro ka dhacay xeebaha waddanka iyo meelo ka baxsan intaba.

Maraykanka ayaa aaminsan in arrimaha hadda socda yihiin kuwa aan lahayn jid iyo jiho loo raaco, balse abuuri kara khal khal dhinac socdaalka badda ah, taasoo uu ku baaqay in wax laga qabto.

Shir jaraa,id oo ay si wada jir ah shalay ugu qabteen dalka Jabuuti xoghayaha difaaca Mareykanka Jim Mattis iyo taliyaha ciidamada waddankaas ka jooga Africa ayay ku sheegeen in ay jireen cabsi ku aadan soo laabashada weerarada Burcaddu ka gaysan jirtay biyaha Somalia iyo waliba kuwa ka baxsan.

Waxay qireen in dhowrki todobaad ee lasoo dhaafay ilaa iyo lix weerar ay ku qaadeen maraakiib ganacsi.

Xog-hayaha difaaca USA, ayaa tilmaamay in hadii ay sii socdaan falalkan uusan fileyn in taasi ay sababi doonto in Mareykanka uu qaado tallaabo weyn oo dhinaca milatariga ah.

Weeraradan cusub ayaa imanaya kadib shan sano oo uu gobolka ka nastay falalkii afduubka iyo madax furashada isugu jiray ee kooxaha burcad badeedka ay gaysan jireen kuwaasoo gaaray heerki ugu xumaa gaaray inti u dhaxeysay sanadihii 2010-2012-kii.

Arrintaasi waxay keentay in ciidamada badda Mareykanka iyo kuwa Midowga Yurub qaadaan olole weyn oo ka dhan ah kooxahaas, kuwaasoo keenay in markii dambe la ciribtiro.

GAROWEONLINE


Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM