​Maraykanka oo mar kale muwaadiniintiisa uga digay Somalia

Image

War qoraal ah oo kasoo baxay waaxda arrimaha dibadda Maraykanka, ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta dalkaasi aysan u safrin Somalia, iyadoo laga cabsi qabo weerarada kooxda Al Shabaab.

Meelaha sida khaaska ah farta loogu fiiqay ayaa ah Puntland iyo Somaliland, waxaana la sheegay in kooxdu tahay mid weli khatar ku ah gobolka islamarkaana xilli kasta halis galin karta muwadiniinteeda.

Waxaa sidoo la sheegay in waddanka Somalia uusan yahay mid aan daganayn oo xaaladdiisa ammaan halis ku jirto.

Qoraalkan, ayaa daba socda mid soo baxay bishii October ee Sannadkii hore.

Waxaase ugub in la farmuuqo meelaha ugu ammaansan dalka Somalia, iyadoo aan la shaacin xogta rasmiga ah ka dambaysa, balse waxaa xaqiiqo ah in la shaaciyay in kooxda Shabaab weeraro cusub qorshaynayso.

Horay kooxdan ayaa  u gaysato weeraro halis ah, waxay sidoo kale bartilmaameed ku dileen mas'uuliyiin iyo shacab badan, waxayna inta badan weeraradooda xoojiyaan xilli Ramadaanka oo waxyar inaga xigto.

Ilaa hadda kama aysan hadlin dowaladda Somalia iyo maamullada laga digay.

GAROWEONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM