Maraykanka oo safiir u magacaabay Somalia

Image

12 January, 2016(GO)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa magacaabay safiirka cusub ee Mareykanka u joogi doona dalka Soomaaliya.Qoraal oo lagu daabacay Website-ka Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Stephen Michael Schwartz uu yaha safiirka dalka Maraykanka ee Somalia.

Shaqada loo magacaabay Stephen ayaa bilaaban doonta kadib marka uu ansixiyo aqalka senate-ka xukuumadda  USA.

Schwartz, ayaa kasoo shaqeeyey waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka, ayaa iminka ah agaasimaha xafiiska waaxda arrimaha dibedda u qaabilsan arrimaha Australia, New Zealand, iyo jasiiradaha Pacific-ga, xilkan oo uu hayay tan iyo bishii August ee 2015.

Safiirka ayaa sidoo kale xilal shaqooyin uga soo qabtay maraykanka waddamado dhacay Galbeedka Africa.

May 5, 2015, ayaa Xoghaya Arrimaha Dibadda Maraykan booqasho ku tagay magalada Muqdishu isagoo kulan la yeeshay madaxda ugu sarraysa Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM