​Maraykanka oo sheegtay duqayn ka dhacyday Somalia

Image

MUQDISHU- War kasoo baxay Aqalka Pantagon-ka Maraykan ayaa lagu sheegay in ciidamo yar oo katirsan dalkaasi oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca weerar ka geysteen Galbeedka magalada Muqdishu ee dalka Somalia.

Dagaalkaasi waxaa ku wehelinayay ciidamo katirsan Uganda, waxaana la sheegay in lagu qaaday goob bar-kantarool u taallay mallayshiyaad katirsan Shabaab, kuwaasi oo dadka reer guuraga ah ka qaaday lacag ay ugu yeereen "Canshuur Sharci darro ah".

Intii howlgalku socday, waxaa warbixinta aqalka cad ee USA  lagu sheegay in la dilay 5 katirsan kooxdaasi islamarkaana lagu dhaawacay labo kale.

Mallayshiyada ayaa isdifaacaday intii howlgalku socday.

Captain Jeff Davis, oo u hadlay Maraykanka, ayaa tilmaamay in howlgalkaasi lagu guulaystay qorshihii loogu talagalay.

Maraykan ayaa xoojiyay howlgalkiisa Somalia, waxaana dhawr jeer oo hore howlgallo lagu qaaday fariisinno kooxdu ku leedahay Koonfurta Somalia iyadoo ay ka qayb qaateen ciidanka dowladda Somalia ee kumaandoosta ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM