​Maraykanka oo u digay Itoobiya

Image

Mareykanka ayaa ka digay in Itoobiya aanay ku xadgudbin xaaladda degdega ah ee ay soo rogtay maalintii Axadda.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in ay tahay in dowladdu ay kala caddeyso sida ay ku doonayso inay ku dhowrto xuquuqda dadka rayidka ah lixda bilood ee uu socdo xukunka degdega ah.

Talaadadii, Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa ugu baaqday dowladda inay dadka u ogolaato xorriyad ay ku dibadbaxaan.

Mareykanka ayaa noqday dalkii ugu dambeeyay ee codkiisa ku biiriyay walaaca laga qabo xukunka degdega ah ee ay dowladda Itoobiya dalkaasi ku soo rogtay.

Arrintan ayaa timid kaddib bilooyin ay socdeen dibadbaxyo qalalaase watay oo loogaga soo horjeedo dowladda oo ay ku dhaqaaqayeen labada qowmiyadood ee ugu ballaaran bulshooyinka dalka.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ka digay in dowladda ay caburiso dadka dhaliila ay sii xumeyn karto oo kaliya xaaladda haatan dalkaasi ka taagan.

Qeyb ahaan xukunka degdega ah ee ay dowladda Itoobiya soo rogtay ayaa waxaa ka mid ah milateri loo daadgureeyay magaalooyinka dalka iyo isu soo baxa dadweynaha oo la mamnuucay.

Boqolaal qof ayaa dhintay tan iyo markii ay dibadbaxyadu dalkaa ka bilowdeen Nofeembartii la soo dhaafay, dowladduna waxa ay qirtay in tirada dadka ku dhintay dibadbaxyadu ay sii kordhi karto oo ay gaari karto ilaa iyo 500.

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM