Maraykanka oo u digay muwaadiniintiisa safra

Image

24 November, 2015(GO)-Dowladda Maraykanka ayaa digniin caalami ah u dirtay muwaadiniinteeda u safra dunida, sabab ay ku sheegtay halista joogtada ah ee argagixisada.

Mas'uul ka tirsan Mareykanka ayaa sheegay in ay jirto xog sheegeysa in ururrada Daacish, Al-Qaacida iyo Boko Xaraam qorsheynayaan weerarro lag fulindoono dhawr gobol.

Mareykanku, waxa uu shaaciyay in digniintaasi taagnaan doonto ilaa 24-ta bisha February 2016-ka.

Sarkaal ka tirsan waaxda arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay in aanay jirin sabab si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo muwaadhiniinta dalkaasi.

Go'aankan ka soo baxay dalkaasi, ayaa imaanay xilli dalka Belgium uu weli ku jira xaalad deg deg ah oo laga cabsi qabo weerarro la mid ah kuwii ka dhacay Paris.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM