​Maraykanka: Ted Cruz iyo Donald Trump oo guulo gaaray

Image

Waxaa xalay dalka Maraykanka gaar ahaan shan gobolka ka dhacday doorasho kamid ah kuwa loogu soo baxayo madaxtinimada waddankaasi, waxaana loollamay murashixiin katirsan xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga waddankaas.

Murashaxiinta Donald Trump iyo Ted Cruz, ayaa guulo waaweyn gaaray iyagoo helay codad badan, halka Murashaxa Hilary Clinton ku guulaysatay hal gobol codadkii la dhiibtay.

Loollankan, ayaa ku eg bisha Maarso 15-keeda, waxaana la doonayaa labada Xisbi ee Dimiqraadiga iyo Jamhuurigu inay kasoo baxaan labo murashax oo qura.

Tartankan oo si weyn uga duwan kuwihii hore ayaa loogu gudbayaa loollanka madaxtinimada waddankaasi gaar ahaan doorashada dhaci doonta November, 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM