​Maraykanka: Toogasho ka dhacday nawaaxiga Aqalka Cad

Image

WASHINGTON- Rasaas goos goos ah ayaa caawa laga maqlay nawaaxiga Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Maraykanka sida ay xaqiijiyeen Boliiska waddankaas oo tilmaamay inay u dhaxaysa ilaalada xaruntaas iyo qof hubaysnaa.

Xabadahaasi ayaa lagusoo waramayaa inay ka dhaceen galbeedka Aqalkaas.

Booliska ayaa u sheegay taleefishinka ABC News in mid ka mid ah ilaalada madaxtooyada uu nin hubaysan ku toogtay bar koontorool oo u dhaw dhismaha.

Arrintaasi ayaa kilftay in albaabada loo laabo Aqalka Cad, taasi oo ilaa hadda faah faahin dheer laga bixin balse loo malaynayo inay loo xiray xaalad amni.

Madaxweyne Barack Obama ayaa ka maqan Aqalka Cad oo ciyaarta golf-ka loo yaqaan ayuu ku dheelayaa deegaanka Maryland.

Rasaasta ayaa hadda istaagtay, waxaana socda baaritaano ku aadan qofka la toogtay iyadoo ammaanka xarunta aad loo adkeeyay

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM