Mareykanka oo ciidan geynaya Ciraaq

Image

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in ciidankan ay ku biiri doona 3,100 askari oo Mareykan ah oo ku sugan dalka Ciraaq kuwaasoo tababarro siiya ciidanka dalka Ciraaq.

Ra’iisul wasaaraha Ciraaq Haydar Al-Cabbaadi ayaa horay Mareykanka u weydiistay ciidan Mareykanka ah oo dheeraad ah la geeyo Ciraaq, iyadoo sidoo kale tallaaban ay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanku talo ahaan ku soo jeedisay in ciidankaasi la geeyo Ciraaq.

Ciidankan ayuu qorshuhu yahay in la geeyo xerada milatariga ee Taqaadum oo ku taalla gobolka Anbar oo horay u ahayd saldhig uu Mareykanku ka hoggaamin jiray hawlgallada milatariga ee Ciraaq.

Madaxweyne Obama ayaa horay u qiray, billowgii toddobaadkan in weli isbahaysiga uu hoggaaminayo Mareykanku uusan haysan istaraatiijiyo dhammaystiran oo lagula dagaallami karo ururka Daacish.

Obama ayaa sheegay in la dardar gelin doono tababarka iyo qalabka la siinayo ciidanka Ciraaq.

Mareykanka ayaa sidoo kale ka fikiraya in isbahaysiga uu hoggaaminayo uu ku soo daro qabaa'illada Sunniyiinta, kuna soo biiraan dowladda si la iskaga kaashado in ururka Daacish laga sifeeyo dalka Ciraaq.

Xigasho: VOA

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM