Mareykanka oo cunaqabateyn kusoo rogay Ruushka

Image

WASHINGTON, USA – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa saxiixay amar fulin ah oo lagu soo rogayo cunaqabateyn cusub oo ka dhan ah Ruushka laguna eryayo 10 diblomaasiyiin Mareykanka ah.

Talaabaddan ayaa jawaab u ah olole ballaaran oo la sheegay in Moscow ku jabsaneyso hay'adaha muhiimka ah ee federaalka Mareykanka, iyo sidoo kale faragelinta doorashooyinka waddankaas.

Sidoo kale, talaabadan waxay tahay go’aankii ugu horeeyay ee maamulka Biden ku ciqaabayo Aqalka looga arimiyo Ruushka ee Kremilin-ka oo la wariyey in uu isku dabariday faragelinta dhacay sanadkii hore.

Xayiraadda ayaa lagu rogay lix shirkadood Ruush ah oo taageera howlaha internet-ka ee dalkaas, 32 shaqsi oo xiriir la leh maamulka Putin iyo hay’ado lagu eedeeyay inay isku dayeen inay farageliyaan doorashadii madaxtinimada ee sanadkii hore, oo ay ku jirto faafinta warar been abuur ah.

"Amarku wuxuu dirayaa fariin muujinaysa in Mareykanka uu ku soo rogi doono talaabooyin cusub oo istiraatiiji ah oo saameyn doona dhaqaalaha Ruushka haddii uu sii wado ama uu sii kordhiyo ficillada xasilooni darrada ah ee caalamiga ah," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Aqalka Cad.

Saraakiisha Mareykanka ayaa bishii la soo dhaafay ku eedeeyay in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu fasaxay howlgaladaas kuwaasoo ay tibaaxeen in ujeedkoodu ahaa in ay caawiyaan Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump in uu kusoo laabto doorashooyinka.

Saraakiisha Ameerikaanka ah ayaa intaas ku daray in howlgalka uu ahaa mid lagu beegsaday sagaal kamid ah hay’adaha federaalka isla markaana bartilmaameedku ahaa uruurinta macluumaadyo qarsoodi ah.

Dhanka kale, Ruushka ayaa beeniyay inuu ku lug lahaa labada jabsiga SolarWinds iyo faragelinta doorashada. Hasa ahaatee, illaa haatan wali jawaab rasmi ah kama bixin cunaqatabeynta ay saartay Washington.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Gargaar oo ku Wajahnaa Gaza oo Israa’iil Qabatay

Gaza ayaa noqotay xabaalo dusha ka furan, iyadoo adduunka intiisa kale laga jaray, iyadoo aan la gelin karin gargaarka bini'aadanimo.

  • Caalamka

    09-06-2025

  • 06:01AM

Trump: Aniga iyo Elon Musk Xiriirkeennii wuu dhammaaday, Cawaaqib xun ayuu la la kulmi doonaa

“Waxaan u maleynayaa inay sidaas tahay, haa,” ayuu yiri Trump markii la weydiiyay haddii uu u maleynayo in xiriirkooda uu dhammaaday.

  • Caalamka

    08-06-2025

  • 08:56AM