Mareykanka oo dhimaya Ciidamada ka jooga Somalia iyo Duqeymaha cirka

Image

WASHINGTON - Milatariga Mareykanka ayaa ku fekeraya inuu hoos-udhigo kaalintiisa Soomaaliya iyo duqaymaha is-dabajoog ee ka dhanka ah xoogaga Al-Shabaab, sidda laga soo xigtay saraakiil sare oo la hadlay NBC.

Saraakiisha oo sharaxaya sababta ayaa ku tilmaamay in Mareykanka uu aaminsan yahay inuu cagta mariyay xubnaha ugu sareysa ee xoogaga Shabaab, sidaas darteeda uu dhimayo ciidamadiisa dalka kaga sugan.

Talaabadaan ayaa noqoneysa midii ugu dambeysay oo uu maamulka Donald Trump ciidamada Mareykanka kaga soo saarayo dalalka caalamka, oo ay ugu dambeysay wadanka Suuriya.

Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay wasaarada difaaca Mareykanka ayaa gaashaanka ku dhuftay warkaan, isaga oo carabka ku adkeeyay in waqti xaadirkaan aanu jirin isbedal ku wajahan howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya.

"Waxaynu sii wadaynaa taageerida dedaalada dowlda Federaalka Soomaaliya ee baacsiga Al-Shabaab,” ayuu Candice Tresch.

Xeel-dheerayaasha ayaa rumeysan in tani ay ku dhiirogelinayso "kooxaha argagaxisada ah" inay dib-isku soo abaabulaan, taasi oo halis toos ah ku noqoneysa dowladda Soomaaliya oo ku mashquulsan siyaasad.

"Al-Shabaab haatan halis toos ah kuma ahan DFS…balse, hadii uu isbedal yimaado, way imaan kartaa," ayay ku doodayaan.

Ugu dambeyntii, saraakiil hore oo milatariga Mareykanka ah ayaa ka digay siyaasada Trump ee ku wajahan ciidamada uu kaga soo saarayo dalalka ay haatan jooga sidda Suuriya iyo Soomaaliya.

"Hadii ay tani dhacdo waxay kooxaha Al-Qaacida iyo ISIL ay ku dhiiranayaan inay kusoo duulaan Mareykanka iyo dalalka reer Galbeed," ayay soo jeediyeen xubnaha horey uga mid ahaa milatariga Mareykanka ah.

Go’aankaan kasoo baxay milatariga Mareykanka ayaa kusoo aadaya iyada oo ay dowlada Soomaaliya dhowaan dalka ka eriday wakiilkii Qaramada Midoobay, kaasi oo haatan la filayo in lagu bedalo Ergay cusub.

Mareykanka oo saldhigyo qarsoodi ah ku leh Soomaaliya ayaa waxaa ka jooga in ka badan 500 ciidan, kuwaasi oo hoostaga taliska Afrika ee AFRICCOM, halkaasi oo ay ka qaadaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Weerarkii ugu dambeeyay ee dhianca cirka ah oo ay ka fuliyeen tuulada Dheerow Sanle ee gobolka Bay waxaa lagu dilay 10 xubnood oo Al-Shabaab ah, sidda laga soo xigtay bayaan kasoo baxay AFRICOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaanka Pakistan oo soo gebagebeeyay safar xal loogu raadinayo dagaalka Bariga Dhexe

Dadaalladan ayaa imanaya xilli cadaadis xooggan uu ka dhashay xiritaanka mar kale ee Marinka Hormuz.

  • Caalamka

    18-04-2026

  • 11:46AM

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM