Mareykanka oo dhimaya Ciidanka ka jooga Africa [Akhri Sababta]

Image

Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ayaa eegaysa in ciidamada kamandosta ee Maraykanka ay kala soo baxdo dalka Niger, isla markaana ay soo xirto badi xeryaha ay deggan yihiin ciidamada aragixiso la dirirka ee qaaradda Afrika, sida laga soo xigtay wargeyska The New York Times.

Saraakiil wasaaradda ka tirsan ayaa wargeyska u sheegay in xeryaha militariga Maraykanka ee ku yaalla dalalka Camaroon, Kenya, Libya, iyo Tunisia, iyagana la soo xiri doono, haddii Xoghayaha Gaashaandhigga, Jim Mattis uu qorshahan ansixiyo.

Hase yeeshee, militariga Maraykana ayaa si weyn u sii joogi doona dalalka Nigeria iyo Somalia.

Sida wargeysku qoray, talaabadani waxay qeyb ka tahay istaraatiijiyad uu Maraykanku culeyska ku saarayo dagaalka baaxaadda weyn leh, halkii uu kooxo mitidiin ah uu dagaal kula jiri lahaa.

Talaabadan ayaa sidoo kale timid, ka dib markii afar askari oo ku sugnaa dalka Niger la dilay, kuwaas oo wasaaraddu ay qiratay in gaabis dhinaceeda ka yimid ay ku dhinteen.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM