​Mareykanka oo howlgal ka fuliyay dalka Yemen

Image

Ciidamada cirka ee dowlada Mareykanka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Bayda ee koonfurta Yemen, kaasi oo ay ku dileen ugu yaraan 40 qof, oo ay ku jireen dad shacab ah.

Warbaahinta Yemen ayaa sheegtay in Ciidamada Mareykanka weerareen guri ku yaalla degmada Qifah, halkaasi oo ay ku bartilmaameedsadeen hogaamiye sare oo katirsan Al Qaeda.

Hogaamiye la weeraray oo lagu magacaabo Cabdul-ra'uuf ayaa la sheegay in uu ku dhintay dagaal dhexmaray ciidamada Mareykanka iyo dagaalyahanada Al Qaeda.

30 kamid ah kuwa weerarka lagu dilay waxay ahaayeen xubno katirsan Al Qaeda.

Hal Askari oo ciidamada Mareykanka kamid ahaa ayaa isna lagu dilay weerarka gaarka ah ee ka dhacay Koonfurta dalka Yemen, waxaana wali jirin war rasmi ah oo kasoo baxay Al Qaeda oo la xiriirak dilka hogaamiyahooda.

Labo Sano kahor, ayaa ciidamada Mareykanka waxay ka fuliyeen gobolka Hadhramaut, howlgal kan lamid ah, oo ay doonayeen inay kusoo badbaadiyeen wariye u dhashay Mareykanka, oo u afduubnkaa Al Qaeda.

Howlgalkaasi ayaa noqday mid fashilmay, kadib markii Al Qaeda dileen Suxufiga howlgalka laguu soo badbaadin lahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Israel u Weerartey Suuriya Gaar Ahaan Magaalada Dimishiq?

Weerarkan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada dowladda Suuriya galeen gobolka…

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 09:18PM

Masar oo Soo Dhawaysay Balanqaadka Trump ee xalinta Khilaafka Webiga Nile

Madaxweynuhu wuxuu si kulul u dhaliilay mashruuca biyo-xireenka Itoobiya, isagoo xusay in uu xannibayo biyihii webiga Nile.

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 06:51AM