​Mareykanka oo Liiska Argagixisada ka saaray Mukhtaar Roobow

Image

WASHINGTON, USA -  Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa xaqiijisay in maamulka Madaxweyne Trump uu Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ka saarey Liiska Argagaxisada.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale ka qaadey Abu Mansuur Lacag la duldhigay Madaxiisa bishii June 2012, taasi oo gaaraysa $5 Million [Shan Milyan oo Doolar], oo loo balan-qaadey qofkii soo sheega xog horseedi karta soo qabashadiisa.

Sheekh Mukhtaar oo sanado kahor kasoo goostey Al shabaab, kadib markii ay isku dhaceen hogaamiyahii  Kooxdan Axmed Godane, oo Mareykanka Duqeyn cirka ah ku diley September 2014.

Labada hogaamiye ayaa isku khilaafey dilalka uu Axmed Godane kuu hayay hogaamiyaasha Ajnabiga ah, taasi oo keentay in dhowr Hogaamiye oo uu kamid yahay Xasan Daahir inay Kooxda kasoo baxaan.

Abu Mansuur horey usoo noqday ku xigeenka Hogaamiyaha Al shabaab, iyo Afhayeen ayaa isaga iyo Malleeshiya taabacsan ku sugan deegaanka Abaal, oo Koonfurta magaalada Xudur, ee gobolka Bakool.

Go'aanka Mareykanka ayaa ka dambeeyay markii ay dowladda Federaalka Somalia ay codsi u dirtey Wasaarada Arrimaha Dibadda dalkaasi, si loo fududeeyo Wadahadalka ay kula jirto Roobow.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weerarada Iran ee xarumaha CIA-da oo dhaliyay su’aalo ku saabsan doorka suurtagalka ah ee Ruushka

Qaar ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in xarumo kale oo CIA ah sidoo kale la beegsaday, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 10:47AM

Maraakiibta shidaalka Sacuudiga oo lagu weeraray Badda Cas

Kooxda Xuutiyiinta, oo sidoo kale loo yaqaan Ansar Allah, ayaa 20-kii Luulyo ku dhawaaqday xannibaad badeed ka dhan ah Sacuudiga.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 09:18AM