Mareykanka oo raaligelin ka bixiyey "gef" lagula kacay madaxweyne

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Safaaradda Mareykanka ee Pakistan ayaa waxay bixisay raaligelin markii ciwaankeeda rasmiga ah ee Twitter-ka lagu faafiyey [retweeted] qoraal madaxweynaha dalkaas, Arif Alvi, ku qeexay "kelitaliye".

Cambaareyn ka dhan ah Washington ayaa baraha bulshadda qabsatay waxyar kadib qoraalkaas iyaddoo si xoogan looga codsaday cudurdaar.

Qoraalka lagu faafiyey barta Twitter-ka ee Howlgalka diblumaasiyadeed ee Mareykanka ku leeyahay Islamabad waxaa Talaadadii todobaadkan soo qoray Ahsan Iqbal, oo ah xubin ka tirsan Baarlamaanka ee Pakistan.

Iqbal ayaa dhankiisa faafiyey sawir uu kasoo qaadey warbixin lagu daabacay Washington Post oo ciwaankeedu ahaa Guuldarada [Madaxweynaha Mareykanka Donald] Trump waxay dharbaaxo ku tahay kelitaliyeyaasha iyo hogaamiyeyaasha xukunka jecel".

"Mid ayaan anaga noo jooga Pakistan. Dhowaan ayaa la tusi doonaa albaabka," ayuu Iqbal ku yiri qoraalka uu soo dhigay boggiisa Twitter-ka.

Hashtag-ka #ApologiseUSembassy [#RaaligelinSafaaraddaMareykanka] ayaa ku wargeliyey safaaradda in ciwaankeeda lagu faafiyey qoraalkii Iqbal ee madaxweynaha Pakistan ku qeexay in uu kelitaliye yahay.

Safaaradda Ameerikaanka ayaa durba waxay kasoo falcelisay qoraalkaas, iyaddoo xustey "in akoonkeeda xalay la isticlaamay ogolaanshiyo la'aan".

"Safaaradda Mareykanka ma taageerto faafinta farriimaha siyaasadeed. Waxaan ka cudur daaraneynaa jahwareer kasta oo ka dhalan kara qoraalka aan la fasaxin," ayay safaaradda ku tiri qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka.

Pakistan iyo Mareykanka oo xiriir diblumaasiyadeed oo rasmi ah yeeshay 1947-kii ayaa iska kaashada dhinacyadda la dagaalanka argagixisada iyo ganacsiga, waxaana cilaaqaadkooda sanadihii u dambeeyay ahaa mid gaabis ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Caalamka oo soo dhaweeyay xabbad-joojinta Mareykanka iyo Iran

Midowga Yurub ayaa ku tilmaantay heshiiska tallaabo muhiim ah oo lagu dejinayo xiisadda, halka dalal ay ka mid yihiin India.

  • Caalamka

    08-04-2026

  • 10:53AM

Iran oo diiday xabbad-joojin ku meel gaar ah

Baqaei ayaa sheegay in Tehran ay gudbisay shuruudo ku saleysan danaha qaranka iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaal.

  • Caalamka

    06-04-2026

  • 04:33PM