Mareykanka oo walaac ka muujiyay amniga Soomaaliya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Safiirka dowladda Mareykanka ee QM, Nikki Haley ayaa walaac ka muujisay Xaaladda amni ee dalka Soomaaliya, oo sheegtay inay sii xumaanayso.

Nikki Haley ayaa sheegtay in Mareykanka uu isha ku hayo isbedellada amniga Soomaaliya iyo weerada ka dhacay, oo uu ku jiro midkii 14-kii bishan October Isgoyska Zoobe, kaasi oo ay ku dhinyeen 358 qof.

"Waan sii wadi doonaa taageerada AMISOM," ayay tiri Nikki Haley iyadoo ka hadlaysay Shir jaraa'id oo shalay ku qabatay magaalada Addis Ababa, Caasimadda dalka Ethiopia.

Hadalka Danjiraha ayaa imaanaya xillii Mareykanka uu dhimay dhaqaalihii uu ku taageeri jiray howlgalka AMISOM ee dalka Soomaaliya.

Bishii June ee lasoo dhaafay, QM ayaa hoos u dhigtay miisaaniyadda dhaqaale ee howlgallada nabad ilaalinta caalamka oo gaaraysa $7.3 billion sanad kasta. 9 kamid ah howlgallada waxay ka socdaan Africa.

Nikki Haley ayaa booqasho ku joogta hadda magaalada Addis Ababa, oo ah lugtii ugu horey safar ay ku kala bixinayso 3 dalka oo Africa ku yaalla.

Waxaa lagu wadaa inay la kulanto Madaxwyne Farmaajo oo ku sugan Addis Ababa, halkaasi oo shalay uu ku tagey booqasho rasmi ah, oo uu taageero uga raadinaya dalalka Uganda, Ethiopia iyo Djibouti.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo sheegay in dalkiisa ka ilaalinayo in lagu geliyo dagaalka Bariga Dhexe

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in muhiimadda kowaad ee Turkiga xilligan ay tahay nabadgelyada gudaha iyo xasiloonida gobolka.

  • Caalamka

    13-03-2026

  • 07:51PM

Dalxiise Ingriis ah oo lagu xiray Dubai kadib muuqaal uu ka duubey gantaallada Iiraan

Ninka ayaa lagu xiray Isniintii Dubai, waxaana la sheegay inuu tirtiray muuqaalka…

  • Caalamka

    13-03-2026

  • 08:00AM