Mareykanka: Sharci u daneynaya Muslimiinta oo la gudbiyey

Image

WASHINGTON, USA – Illaa iyo 140 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa dib u soo cusbooneysiiyey sharci ay horgeeyeen koongareeska Mareykanka ah si looga hortago xayiraad mustaqbalka lagu soo rogo Muslimiinta iyo in la mamnuuco takoorka ku saleysan Diimaha.

Xayiraadda safarka muslimiinta, ee uu soo saaray madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, waxaa lagu bartilmaameedsaday dhowr waddan oo dadka ku nool ay badi yihiin Muslimiin.

Xayiraada ayaa ahayd in dadka kasoo jeeda Iran, Kuuriyada Waqooyi, Syria, Libya, Yemen, Somalia iyo Venezuela aysan geli karin Mareykanka. Balse waxaa bishii hore soo afjaray maamulka Joe Biden.

Aqalka Wakiilada, Sharciga Ka-hortagga Takoorida Dadka Muhaajiriinta Ah (NO BAN) waxaa dib u soo saaray Jimcihii Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka ee Golaha Jerrold Nadler iyo Judy Chu, halka Golaha Guurtida uu horgeeyay Senator Chris Coons.

Xildhibaanadda Ami Bera, Ro Khanna, Pramila Jayapal iyo Raja Krishnamoorthi ayaa ka mid ah kuwa taageeraya sharciga.

Sharcigu wuxuu xoojinayaa Sharciga Socdaalka iyo Jinsiyadaha si loo mamnuuco takoorka ku saleysan diinta, wuxuuna soo celinayaa kala soocida awoodaha iyadoo la xadidayo hey'ad fulin aad u ballaaran ama in xukuumadda ay soo saari karto xayiraadaha dhanka socdaalka.

"Mamnuucida muslimiinta waxay bar madow oo aan tirmeyn ku noqotay taariikhda qarankeena taasoo xadgudub toos ah ku ah mabaadii’deena aasaasiga ah ee sinnaanta sharciga iyo xorriyadda diinta," ayay tiri Xildhibaanad Aqalka Hoose, Ilhan Cumar oo asal ahaan Soomaali ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Shaaciyay Barnaamijka “Trump Card” oo ah Deganaansho Mareykanka oo $5 Milyan ah

“Magaca waddanku waa UNITED STATES OF AMERICA. LIISKA SUGITAANKA HADA WAA FURAN YAHAY.”

  • Caalamka

    12-06-2025

  • 02:08PM

Israel oo weeraraysa Iran iyo Mareykanka oo diblomaasiyiintiisa kala baxaya Bariga Dhexe

Tallaabadan ayaa laga cabsi qabaa inay si weyn u kiciso xiisadda Bariga Dhexe, waxaana laga digay inay sababto dagaalkii 3aad ee adduunka.

  • Caalamka

    12-06-2025

  • 05:11AM