Markab ay Iran oo degay kadib markii uu dab qabsaday

Image

TEHRAN, Iran - Mid ka mid ah maraakiibta dagaalka ee ugu waaweyn Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iiraan ayaa quusay kadib markii uu dab qabsaday xaalado aan caddeyn nawaaxiga Marinka Hormuz.

Kharg, oo loogu magac daray jasiirad u dhow oo ay ku taallo xarun shidaal oo muhiim ah, ayaa dab qabsaday saacadihii hore ee Arbacada waqtiga maxalliga ah.

Kadib in ka badan 20 saacadood oo hawlgallo samatabbixin ah, waxaa lagu guuldareystay in la badbaadiyo, sida uu shaaca ka dhigay taliska ciidanka kacaanka Iiraan.

Sawir la qaaday xilli dambe oo habeenkii ah ayaa waxaa ka muuqday shaqaalaha jaakadaha badbaadada oo cararaya iyadoo dab uu ka dambeeyo. Sawir kale, oo la qaaday maalintii, ayaa muujiyay qiiq culus oo cirka isku shareeraya iyo dab weli holcaya.

Ciidamada Iran ayaa sidoo kale waxay u aqoonsadeen Kharg in uu yahay "markab tababar" waxayna xaqiijiyeen inay ku dhowaad 400 shaqaale iyo tababarayaal saarnaayeen, ka hor inta aan dhamaantooda lasoo badbaadin.

Sarkaal ka tirsan ciidamada degaanka ayaa wakaaladda wararka ee Tasnim wuxuu u sheegay in 20 qof ay soo gaareen dhaawacyo aan badnayn.

Lama sheegin sababta keentay dabka laakiin sarkaal ka tirsan ciidamada ayaa u sheegay wakaaladda wararka IRNA in dabka uu ka billowday qolka matoorka qaybo ka mid ah uu dhalaalay.

Markabka ayaa ku degay meel u dhow dekedda Jask ee koonfurta dalka, qiyaastii 1,270km (790 mayl) koonfur-bari caasimada Tehran iyo meel u dhow marinka Hormuz, oo ah marin biyood istiraatiiji ah.

Markabkan waxaa lagu sameeyay dalka Ingiriiska waxaana la bilaabay waxyar ka hor kacaankii Iran ee 1979 waxaana yeeshay ciidamada badda ee Iran sanadkii 1984 kadib wadahadalo dhowr sano socday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM