Maroodiyaal loo qaley xuska dhalashada 91aad ee R. Mugabe

Image
Image
Image
Image

March 2, 2015 (GO)- Xaflad dhalasho oo dadka dunida ka yaabisey ayaa loo dhigey Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe oo isagu ah kan ugu da'da weyn madaxweyneyaasha dunida.

In ka badan labaatan kun oo qof ayaa kasoo qayb gashay xafladda lagu maamuusayey sanadguurada 91aad ee kasoo wareegtey markii uu Mugabe dhashay.

Arrinta badi dadka ka yaabisey ayaa ahayd in la qalay labo maroodi oo hilibkooda dadkii xafladda kasoo qayb galey ku qadeeyeen, waxaa sidoo kale goobta la keenay doolsheyaal (toorte) waaweyn oo qaarkood ku dhowaad toban qof isla soo qaadeen.

Labada maroodi ee la qalay, libaax iyo yaxaas ayaa waxaa hadiyad ahaan Robert Mugabe ugu keenay nin beeraley ah.

Madaxweynaha waayeelka ah ayaa goobta ka jeediyey khudbad qaadatay muddo hal saac iyo bar ah, wuxuuna si kulul u weeraray siyaasadda dowladda Maraykanka ee ku wajahan wadamada Africa gaar ahaan dalka Zimbabwe.

Robert Mugabe ayaa labo bilood kahor ku kufey garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa xilli uu kusoo wajahnaa dalkiisa kadib markii uu ka qayb galay shirkii madaxweyneyaasha Midowga Africa.

Mucaaradka dalkaas ayaa dhowr mar oo hore cambaareeyey xafladaha kharashka malaayiinka doolar ah lagu bixinayo ee loo dhigo Madaxweynaha, arintaasoo sida mucaaradku tilmaamey ah mid wax u dhimeysa dhaqaalaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM