Mas'uul ka cudurdaartay in uu Soomaaliya booqdey

Image

TORONTO, Canada – Xildhibaan ka tirsan golaha degaanka magaaladda Victoria ee dalka Canada, Sharmaake Dubow, ayaa raaligelin wuxuu ka bixiyey in uu u socdaalay Soomaaliya intii lagu guda jiray fasaxa damaashaadka sanadkii 2020-kii.

War-saxaafadeed uu soo dhigay ciwaanadiisa baraha bulshadda ayuu ku sheegay in uu u hogaan-samayo habraaca caafimaad ee maxaliga ah. Wuxuu intaas u daray in uu dhowr jeer tijaabo maray kadib markii uu Canada ku laabtey.

Dubow ayaa haatan karantiil ugu jira magaaladda Vancouver halkaasoo loogu geeyay adeegyadda aas-aasiga ah lana qorsheynayo in uu baaqi kusii ahaado labada todobaad ee soo aadan isaga oo kadib mari doono baaritaano.

Mudanaha ayaa ku biiray siyaasiyiin dhowr ah oo jebiyey xayiraadaha loosoo rogay Covid-19 awadeed, waxaana qaarkood ay iska-casileen xilalkii ay hayeen ka gedaal markii ay kusoo baxdey fadeexadaas aadka u xoogan.

Balse Sharmaake Dubow wuxuu ku adkeystay in uusan is-casili doonin isla markaana uu sii wadi doono in uu metelo ismaamul degaankiisa.

"Safarkan waxaan qorsheynayey sanado badan. Waxay ii ahayd markii ugu horeysay oo aan Soomaaliya tago tan iyo markii aan caruurnimadeydii uga soo cararay colaadda sokeeye awadeed 1992-dii," ayuu ku yiri bayaanka.

Wuxuu ku daray: "Waxaan fahansanahay in dad badan ay ku adkaatay in ay booqdaan ehelkooda bilooyinkii lasoo dhaafay. Waxaan ogahay in hadda aan qaatay go'aankaa noocaas ah oo aad u qaraar".

Sharmaake Dubow ayaa xubinimada golaha degaanka Victoria waxaa loo doortay 2018-ki. Sanadkaas waxay u ahayd markii ugu horeysay ee coddeynta loo ogolaadey. 2017-kii ayuu noqdey muwaadin Canada halkaasoo uu tegay sanadkii 2016-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM