Masar oo hawadeeda dib ugu furtay duulimaadyada Qatar

Image

QAAHIRA, Masar – Masar ayaa hawadeeda dib ugu furtay duulimaadyadda Qatar. Talaabadan lagu dhawaaqay Talaadada maanta ah waxay la macno tahay in duulimaadyada labada dal ay dib u bilaaban doonan.

Qatar Airways ayaa lagu waddaa in Jimcadda todobaadkan ay ka degto magaaladda caasimadda ah ee Qaahira, sidda uu sheegay mas'uul ka shaqeeya garoon diyaaradeed kaasoo magaciisa ka gaabsaday.

Wargeyska Al-Ahram oo xogtaan faafiyey ayaa shaaca ka dhigay in diyaaradaha Qatar ay dulmi kari karaan hawadda Masaarida.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Qaahira iyo Masar ay kala saxiixdeen heshiis ay dib ugu soo celinayaan cilaaqaadka ka dhaxeeya.

Masar iyo dalalka kale ee xulafada la ah sidda – Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, iyo Baxreyn – ayaa June, 2017-kii waxay xayiraad ugu soo rogeen Qadar eedeymo ku aadan in ay taageerto "argagixisadda".

Dooxa ayaa ganafka ku dhufatay sheegashooyinkaas, waxaana ay iska diidey shuruudo la dul-dhigay si looga qaado xayiraadda.

Go'doominta Dooxa ayaa todobaadkii hore kusoo afjarantay Sacuudiga halkaasoo Masar ay taageero ugu muujisay dib-u-heshiisiinta dalalka Khaliijka, balse ma aysan waqtigaas shaacin talaabooyin dheeraad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Israa’iil oo la kulmay cambaareyn ballaaran

Huckabee ayaa hadalladan ka sheegay wareysi uu la yeeshay weriyaha Mareykanka Tucker…

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 10:13PM

Dalalka Carabta oo cambaareeyay hadalka safiirka Mareykanka ee Israa’iil 

Masar ayaa sidoo kale si adag u diidday isku day kasta oo lagu doonayo in lagu daro Daanta Galbeed ama laga gooyo Marinka Gaza.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 08:33PM