Dowladda Masar oo la heshiisay Qadar

Image
Image
Image

QAAHIRA, Masar – Masar ayaa waxay heshiis dib-uheshiisiin ah la saxiixatay Qatar shirkii GCC, sidda ay sheegtay wasaradeeda arrimaha dibada xukuumada fadhigeedu tahay magaaladda caasimadda ah ee Qaahira.

Wasaaraddu ayaa intaas ku dartey in waddanku "uu qaddarinayo dadaal kasta oo daacadnimo ah oo loo sameeyay si loo gaaro dib-u-heshiisiin u dhexeysa waddamada afarta ah ee Carabta [Sacuudi Carabiya, Masar, Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn] iyo Qatar."

"Heshiiska wuxuu xoojin doonaa ficillada Carabta ee wajahaya caqabadaha gobolka, ayay tiri, waxay bogaadisay dadaallada dib-u-heshiisiinta saddexda qaybood ee Carabta iyo Qatar, gaar ahaan kuwa ay waddo Kuwait," ayuu wariyey telefishinka ay Dooxa leedahay ee Al Jazeera.

Kuwait ayaa habeenimadii Isniinta waxay shaacisay in Sacuudiga iyo Qadar ay ku heshiiyeen in ay isku furaan xuduudaha badda, dhulka iyo hawada. Go'aankaas wuxuu dhaqan galay isla goortii uu go’aankaas soo baxay.

Amiirka Qadar ayaa Talaadadii wuxuu ka qeybgalay shir madaxeedka dalalka Khaliijka oo ku qabsoomay boqortooyadda Sacuudiga.

Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa shaacisay in dhamaan dalalka Khaliijka ay soo celin doonan xiriirka kala dhaxeeya Qadar.

Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii dalalka Khaliijka ay go'doomiyeen Qadar ayaga oo ku eedeeyay taageerida argagixiso iyo in ay u dhowdahay Iiraan. Dooxa waxay gaashaanka ku dhufatay dhamaan eedeymahaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM