Masar oo xirtay 13 qof oo weeraro qorshaynayay

Image

QAHIRA, Masar- Ciidamada ammaanka dalka Masar ayaa howl gal ballaaran ka wada gudaha waddankaasi oo ku jira xaalad deg deg oo la galiyay weerarkii lagu qaaday kaniisad ay leeyihiin dadka laga tirada badanyahay.

Dadka la qabtay oo tiradoodu gaarayso 13 qof ayaa la sheegay inay weeraro ka gaysan lahaayeen kaniisad ku yaalla dalkaas.

Qayb kamid ah shakhsiyaadkaas waxaa ciidamada Booliisku sheegeen inay ku qabteen iyagoo wata qalabkii ay weerarku ku gaysan lahaayeen.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Masar ayaa cadaysay qabashada raggan la qabtay iyagoo doonaya falal amni darro oo waddanka ka dhaca.

Warar kale oo aan ka helayno magaalada Alxandaria ayaa sheegaya in la qabtay 4 qof oo isku soo xiray Waxyaabaha Qarxa.

Inkastoo aan faah faahin dheeraad ah laga bixin dadka la qabtay ayaa hadana waxaa socda dadaallo xooggan oo looga hortagayo weeraro lagu qaado shiicada laga tirada badanyahay.

Ammaanka Kaniisadaha ayaa si weyn loo adkeeyay tan iyo markii Kooxda Daacish ay laba jibaartay Weerarada ay ku qaadayso dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM