Masar oo xirtay 13 qof oo weeraro qorshaynayay

Image

QAHIRA, Masar- Ciidamada ammaanka dalka Masar ayaa howl gal ballaaran ka wada gudaha waddankaasi oo ku jira xaalad deg deg oo la galiyay weerarkii lagu qaaday kaniisad ay leeyihiin dadka laga tirada badanyahay.

Dadka la qabtay oo tiradoodu gaarayso 13 qof ayaa la sheegay inay weeraro ka gaysan lahaayeen kaniisad ku yaalla dalkaas.

Qayb kamid ah shakhsiyaadkaas waxaa ciidamada Booliisku sheegeen inay ku qabteen iyagoo wata qalabkii ay weerarku ku gaysan lahaayeen.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Masar ayaa cadaysay qabashada raggan la qabtay iyagoo doonaya falal amni darro oo waddanka ka dhaca.

Warar kale oo aan ka helayno magaalada Alxandaria ayaa sheegaya in la qabtay 4 qof oo isku soo xiray Waxyaabaha Qarxa.

Inkastoo aan faah faahin dheeraad ah laga bixin dadka la qabtay ayaa hadana waxaa socda dadaallo xooggan oo looga hortagayo weeraro lagu qaado shiicada laga tirada badanyahay.

Ammaanka Kaniisadaha ayaa si weyn loo adkeeyay tan iyo markii Kooxda Daacish ay laba jibaartay Weerarada ay ku qaadayso dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM