Maskaxda ka dambeysay afduubka saxafiyiin oo la dilay

Image

PARIS, France - Askarta Faransiiska ayaa dilay dabley u dhashay Mali oo lagu tuhunsan yahay inuu mas'uul ka ahaa afduubkii iyo dhimashadii laba wariye oo Faransiis ah 2013-kii, sidda uu Jimcihii shaaciyey Wasiirka Difaaca Florence Parly.

Parly wuxuu sheegay in ciidamada Faransiiska ee gobolka Sahel ay ku dileen "afar argagixiso" hawlgal ay ka sameeyeen waqooyiga Mali 5-tii Juun, oo uu ku jiro Bayes Ag Bakabo, oo ah ruuxa ugu weyn ee looga shakisan yahay dhimashada weriyeyaasha raadiyaha RFI ee kala ah; Ghislaine Dupont iyo Claude Verlon.

"Dhimashadiisu waxay ahayd mid muddo dheer la sugayey," ayuu yiri Parly oo jihaad-aloosaha ku qeexay "maskaxdii ka dambeysay howlgalkaas qafaalashadda ah".

Labada wariye waxaa laga qabtay magaalada Kidal ee dhacda waqooyiga Mali dhamaadkii sanadkii 2013 kadib markii ay wareysteen hogaamiye kooxeed gooni u goosad ah oo ka tirsan Tuareg.

Meydadkooda oo rasaasta ay haleeshay ayaa la helay saacado yar kadib, iyadoo kooxda Al-Qaacidah ee Maghreb Islamic (AQIM) ay sheegatay in dilkan uu ahaa mid loogu aargudayay go’aankii Faransiiska ee ahaa inuu faragalin ku sameeyo kooxaha jihaad doonka ah ee ku sugan dalkaasi horaantii sanadkaas.

Baaritaan France ay ku sameysay dilka ayaa lagu soo gunaanaday in Bakabo, oo sidoo kale caan ku ah ka ganacsiga daroogada, uu gaari xamuulka qaada u adeegsaday afduubka labada weriye.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ku dhawaaqay yareyntii ugu weyneyd ee ciidamada Faransiiska ee gobolka Saaxil maalintii Khamiista, iyadoo haatan la qorsheynayo in si aad ah loo dhimo lagana jaro tirro 5,100 ciidan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM