Maxaa ka jira in Ruushka si hoose ula shaqeeyo Taliban?

Image

KABUL - Ruushka iyo ururka Taliban ayaa midba dhankiisa beeniyay hadalladii ka soo yeeray madaxa ciidamada Mareykanka ee Afghanistan ee ku aaddaanaa in xukuumadda Moscow ay taageereysay, ayna weliba hub siineysay kooxda Taliban.

Safaaradda Ruushka ee magaalada Kabul ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay hadalka jeneraalka inuu yahay mid aan runta ku saleysneyn ahna xan la dhoodhoobay.

Afhayeen u hadlay Taliban ayaa sheegay inaysan dalna ka helin wax caawinaad ah.

Afhayeenka ayaa intaa raaciyay: "Cadowgu arrintani uma hayo wax caddey ah."

Isagoo la hadlayay weriyaha BBC Justin Rowlett, ayuu jeneraal Nicholson sheegay in Ruushku uu carqaladeynayay dadaallada Mareykanka ee gobolka iyadoo uu jiro dano ay wadaagaan oo ku aaddan la dagaallanka argagixisada.

Ruushka ayaa hore u sheegay in xiriirkeeda xaddidan ee ay la leedahay Taliban looga gol leeyahay dhiirrigelinta wada-hadallada nabadda iyo hubinta ammaanka muwaaddiniinta Ruushka.

Related Articles

Trump: Heshiiska Iiraan wuxuu ka dhigi doonaa Marinka Hormuz mid si joogto ah u furan

Wareysi uu bixiyey Axaddii, Trump wuxuu sheegay in haddii Tehran ay ku guuldarreysato…

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 03:12AM

Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

  • Caalamka

    13-06-2026

  • 12:43PM