Maxamed Bin Salman oo ku wajahan Masar

Image

QAARIHA - Wafdi uu hogaaminayo dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salman ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah uu booqasho ku tago magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

Mohammed bin Salman oo ah sidoo kale Wasiirka Gaashaandhiga Sacuudiga ayaa booqasho 3 maalin qaadan doonto ku tagayaa Masar, isagoo lagu wado inuu la kulmo Madaxweyne Abdel Fattah Al-Sisi.

War kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Masar Abdel Fattah Al-Sisi ayaa lagu xaqiijiyay booqashada Mohammed bin Salman ee magaalada Qaahira, taasi oo kusoo beegmaysa xilli xiisad ay ka jirta Khaliijka.

Xoojinta Xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka ayaa diirada lagu saari doono kulanka Madaxweyne Al Siis iyo Mohammed bin Salman, waxaana la filayaa in ay isla soo qaadaan doorashada Masar ay ka dhacaysa bishan.

Masar iyo Sacuudiga ayaa xiriirkooda sii xoogeysanayay wixii ka dambeeyay 2013 markii uu Jeneraal Al Siisi xukunka afgembi ugala wareegay Maxamed Morsi oo ahaa Madaxweyne uu shacabka doortay.

Sacuudiga ayaa siiyay dowladda Al Siisi 20 bilyan oo Doollar kadib markii Masar ay siisay dhowr Jaziiradood oo ku yaalla dalkaasi.

Mohamed Bin Salman ayaa safarkiisa Masar kadib booqasho ku tagi doono dalalka Ingiriiska iyo Mareykanka 7 ilaa 19 bishan Maarso, sida ay sheegtay Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxda dalalka Khaliijka oo Shir Degdeg ah ku yeeshay Saudi Arabia 

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SPA, shirkan waxaa xoogga lagu saaray iskudubaridka dadaallada looga jawaabayo xaaladaha cakiran.

  • Caalamka

    28-04-2026

  • 06:44PM

Maxay ka dhigan tahay ka bixitaanka United Arab Emirates ee OPEC?

Ururkan waxaa la aasaasay sanadkii 1960 magaalada Baghdad ee caasimadda dalka Iraq…

  • Caalamka

    28-04-2026

  • 04:37PM