Maxamed Cali Kalaay oo la aasay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Waxaa magalada Louisville ee dalka Maraykanka lagu aasay ALLAHA u naxariistee Maxamed Cali Kalaay oo Jimcihii hore geeriyooday, waxaana aaskiisa kasoo qayb galay kumaan ruux oo ay ku jiraan hoggaamiyayaasha dunida, saaxiibo iyo qaraabo.

Salaadda janaasada ayaa waxaa dadka ka bixiyay, Zaid Shakir, oo ah imamka gobolka Californian, isla markaana garab joogay Muxamed Cali marka ay nafta ka baxaysay.

Waxaa salaadda Janaazada oo khamiistii lagu tukaday kasoo qayb galay qaar kamid ah hogaamiyaasha dalalka Muslimka ah sida Turkiga iyo Jordan.

Aaska maanta dhacay, waxaa sidoo kale joogay kumanaan Muslimiin ah kuwaasi oo u duceeyay marxuumka kolkii la aasay.

ALLAHA u naxariistee Maxamed Cali Kalaay ayaa ahaa feeryahan dunida caan ka noqday  kaas oo muddo saddex jeer ah ku guulaystay suunka horyaalka feerka culus, waxaa uu sidoo kale u ololeyn jiray xuquuqda bini aadamka.

Maxamed Cali ayaa lagu xasuustaa siduu ugu dhaganaa diinta Islaamka islamarkaana ugu sheegi jiray goobaha fagaaraha ee dadku isugu yimaadaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM