Maxkamad Mareykan ah oo xukuntey haween Somaliyeed

Image

26 August, 2015 (GO)-Maxkamad racfaan oo federalka Mareykanka ah ayaa dib u xaqiijisay xukunkii lagu riday laba haween ah oo lagu helay dambi ah inay doonayeen inay lacag u diraan kooxaha argagixisada ee Soomaaliya.

Guddi garsoorayaal ah oo ka kooban saddex qof, kana tirsan maxkamadda sideedaad ee racfaanka federaalka Mareykanka, ayaa dib u xaqiijiyey go’aankii xukunka ugu ridey haween Somali ah, waxayna sheegeen inuusan wax qalad ah ku jirin go’aankaasi ay gaartay maxkamaddii hore.

Haweenkan oo asal ahaa ka soo jeeda Somalia ayaa ku nool magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka,waxaa lagu soo eedeeyay inay taageero dhaqaale u fidinayeen ururka Al-shabaab.

Aamina iyo Xaawo oo ah haweenka la xukumey  ayaa sheegaya inay caawinayeen dadka saboolka ah ee Somalia, hase yeeshee dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyey inay lacag u uruurinayeen ururka Al-shabaab.

Aamina ayaa waxaa lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah, halka Xaawo lagu riday xukun dhan toban sano.

Labadan hablood ee somalida ah ayaa ku guul dareystey racfaan ay ka qaateen xukun ay ku ridey maxakamad hore.

GAROWEONLINE+WAKAALADAHA

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM