Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada oo baadi-goobaysa Cumar Al-Bashiir

Image
Maxkamadda dambiyada ayaa tan iyo 2009 ku daba jirtay Al-Bashiir.

Khartoum (GO) - Weftiga Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada oo booqasho ku tagaymagaalada Port Sudan ayaa waxa ay dhibaato weyn kala kulmayeen sidii ay xog dhab ah uga heli lahaayeen halka ay ku sugan yihiin dadka la doondoonayo ee lagu eedaynayo inay dambiyo dagaal ka haysteen Darfur.

Dadkaas ayaa ka mid ah Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Cumar Al-Bashiir iyo la kaaliyayaashiisa, Abdul Rahim Muhammad Hussein iyo Ahmed Haroun.

Tan iyo 2009, maxkamadda dambiyada ayaa ku daba jirtay Al-Bashiir iyo tiro ka mid ah kaaliyayaashiisa oo lagu eedeeyay inay galeen dambiyo ka dhan ah bini'aadantinimada intii uu socday dagaalkii Darfur ee ka qarxay Sudan sanadkii 2003 isla markaana socday 17 sano.

Khubarada dhinaca sharciga ayaa xaqiijiyey in weftiga ka socday Maxkamadda Dambiyada ay dawladda Suudaan ku eedeeyeen in ay qariyeen dadka la baadi-goobayo, isla markaana aan la xirin, inkasta oo ay ku sugan yihiin goobo ay ciidamadu gacanta ku hayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM