Maxkamada Sare ee dalka Kenya oo laashay doorashadii Uhuru

Image

NAIROBI, Kenya - Maxkamadda sare ee Kenya ayaa go'aamisay in lagu celiyo doorashadii dhawaan lagu soo gabogabeeyay dalkaasi, ee uu ku guulaystay madaxweynaha hadda talada haya ee Uhuru Kenyatta.

Maxkamadda ugu saraysa dalka ayaa sheegtay in guddiga doorashada ee Kenya uusan si hufan u qabanin hannaankii doorashada.

Sidaas dareedeedna guddiga doorashadu waxay waxba kama jiraan ku tilmaantay natiijadii ay dhawaan ku dhawaaqeen guddiga doorashada.

Afar ka mid ah lixdii garsoore ee dacwada qaadaysay ayaa go'aamiyay in aysan si hufan u dhicin doorashadii madaxweynenimadu sidaas daraadeedna waxay amartay in dib loogu noqdo.

Labo ka mid ah garsooreyaasha ayaa qaatay go'aan midkaas ka duwan, halka midkii todobaadna uu ka xannuunsanaa maalmihii u dambeeyay.

Maxkamaddu waxaa kale oo ay amartay in lixdan maalmood gudahood lagu qabto doorashada.

Taariikhda Kenya waa markii koobaad ee doorasho madaxweyne ay maxkamadi dib u celiso.

BBC + GO

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM